Xukun Lagu Riday Dad Loo Soo Qabtay Ka Ganacsiga Khamriga

Ciidamada amaanka Maamulka Somali-land ee Magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ayaa gacanta ku dhigay khamri tiro badan iyo ragii ka ganacsanaayey.

Ciidamada Booliska Magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ayaa arintaan ku guuleystay kadib markii ay Howlgal ka sameeyeen guri ku yaala Xaafad kamid ah Magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

Maxkamada Gobalka Togdheer ee Maamulka Somali-land ayaa xukun ku ridey saddex nin oo lagu soo qabtey khamrigan oo tiradiisu aheyd 292 dhalo oo khamri ah waxaana lagu xukumey midkiiba Afar Sanno oo xarig ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Wararka Puntland Post