Wasaarada Waxbarashada Puntland oo heshiis la saxiixday maamulka degmada Gaalkacyo

Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa kala saxiixday barnaamij tijaabo ah oo is afgarad kaas oo ah baahinta adeega waxbarashada asaasiga ah , waxaana kala saxiixday heshiis arrintaas ku saabsan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Puntland iyo Duqa magaalada Gaalkacyo.

Heshiiskan oo taageeraya barnaamijka daadejinta maamul iyo go,aan ka gaarida arrimaha la xiriira adeegyo tayo leh oo kor u qaadaya Waxbarashada Asaasiga ah ayay balanqaadeen gollaha deegaanka Gaalkacyo inay buuxinayaan waajibka ka saaran barnaamijkaan iyo arrimaha ku qeexan heshiiska, halka masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland sheegeen inay balanqaadayaan sidey u fududeyn lahayd shaqaalaha,hubinta fulitaanka shaqo iyo taageerida maamulka degmada Gaalkacyo.

Waxaana ka mid ah doorka ay ku leedahay barnaamijkaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Puntland.

  • In ay abuurto lahaansho barnamijka adeeg daadijinta isla markaana dheeri galisaa sidii la isga kaashan lahaa helitaanka dhaqaale lgu tageero hormarinta adeega Waxbarasho loo bahan yahay.
  • In si joogta ah loo dayactiro Dugsiyada Dowliga ah.
  • Bixinta bilaash biyaha iyo korontada.
  • In bulshada la wacyigaliyo; waa in bulshada lagu baraarujiyo sidii ay ilam u siin lahyeen fursad wax ku barta waxbarshada uga qayb gelin lahayeen waxbarshada.
  • In si joogta ah loo kormeero sidii fuliyey howlihiii lagu hishiiyey in wax laga qabto.
  • Inay ay hubiso in war baxinta ku saabasan  kharshaadka loo iticmalay iyo meeshii ay ku bixeen loo gudbiyaa hay’ada UNICEF.

Doorka Dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacayo.

    • In si wada jira loo doorto 3 iskuul hoose/dhexe ah oo ka faa’iidestaan barnamijka tijaabada ah ee Degmada Gaalkacayo.
    • In la furo, akoon gooni ah, isla markaasna Dowlada hoose ee Galkacayo ay si hormaris ah ku shubto kharsh boqolkiba 5 ka ah kharshakaa guud ee lagu fulinayo arimaha adeega daadijenta.
    • In loo xil saaro. Lana kobciyo kartida shaqo ee waaxda arimaha bulshada si ay fuliso howlihii loo idmaday ee adeega daadijinta.
    • In warbaxin ku saabsan isticmaalka kharshaad loogu talo galay loo gudbiyo Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST