Ra’isilwasaare Kheyre oo Soo bandhigay Qorshaha Amniga Dalka

Ra’isilwasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo xalay Muqdisho uga qeeybgalay Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho

Thaabit iyo Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay Arimo Amniga ku saabsan.

Ra’isilwasaare Kheyre ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay diyaarineeyso qorshe guud oo amaanka dalka lagu xaqeejinayo.

Waxa uu sheegay Ra’isilwasaaruhu in dowlada aanay udul qaadan doonin falalka lidka ku ah amniga ee ka dhaca Muqdisho iyo Gobolada dalkaba.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca falal lid ku ah amaanka oo lagu dilo masuuliyiin katirsan dowlada iyo dad shacab ah.

Hoos ka dhageyso Codka Ra’isilwasaarah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho