Midowga Jaaliyadda Puntland oo daawo 4 ton ah usoo dirtay Somalia

Midowga Jaaliyadaha Puntland ee Qaaradda YURUB ayaa deeq daawo oo 4 ton ah maanta usoo diray Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Wuxuuna sheegay Xoghayaha guud ee Midowga Jaaliyadaha Maxamed Cabdiraxmaan Cali inay ku timid fursadaan dadaal ay sameeyeen Jaaliyaduhu.

Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa ugu baaqay Jaaliyadaha inay u istaagaan ka qeyb qaadashada gurmadka abaarta ka jirta dalka, wuxuuna sheegay inay mareyso abaartu heerkii ugu qalafsanaa taariikhda inta laga war hayo.

“Waxaan halkan maanta idiinku soo gudbinayaa baaq iyo qaylo dhaan joogta ah oo dalkii nooga imanaya, baaqan oo la xiriira  abaaraha ba’an ee wadankii ka taagan oo gaaray heerkii ugu qalafsanaa taariikhda inta laga war hayo.  Waxaan ugu baaqayaa Qurbajoogtu inay fadhiga ka kacaan oo ay u gurmadaan walaalahooda masiibadu saamaysay” Ayuu yiri Xoghayaha guud ee Midowga Jaaliyadaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Cali.

Xoghayaha Midowga Jaaliyadaha ayaa sheegay inay ka heleen deeqdaan daawada Hay,adda Gargaarka Daawooyinka ee dalka Jarmalka, Islamarkaana uu gaarayo qiimaheedu ilaa 8.00.000 Euro, wuxuuna yiri isaga oo ka hadlaya “Waxaan ku hagaajinay daawadaan Wasaarada Caafimaadka Puntland si ay u gaarsiiso bukaanka Isbilaalada yaala, Waxayna noqonaysaa gargaarka Wasaaradu gaarsiinayso dadka reer guuraaga ah ee ku tabaaloobay abaaraha”.

Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Midowga Jaaliyadaha Puntland ee Qaarada Yurub Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa sheegay inay barbar socota hawsha daawada dhaqaale isdabajoog ah oo loo diro Culumada iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST