Maydadka Laba Ruux oo la dilay oo lagu arkay Xeebaha Durduri ee Gobolka Sanaag

Maydadka Labo ruux ayaa xalay Saqdii dhexe abaarihii 2:30 habeenimo waxaa la soo dhigay Xeebtay Magaalada Dur Duri ee Gobolka Sanaag.

Dad Goobjoogayaal ah oo halkaasi ku sugan ayaa ku soo waramaya in saxiimado soo istaagay qaarka badda ay dajiyeen maydadkaasi kadibna ay dib u laabteen.

Goobjoogayaasha ayaa xaqiijinaya in maydadka labadaasi nin ay ka muuqdaan xabado islamarkaasina ay sheegayaan in dilka ragaasi ay ka dambeeyeen ciidamada Shisheeye ee ka howlgala biyaha Soomaaliya.

Majirto faah faahin intaasi ka balaaran oo Puntland Post ay ka heshay oo ku saabsan magacyada ragaan hayeeshee waxaa la sheegay in labada nin ee la dilay ay ka soo jeedaan Gobolada Sanaad iyo Mudug.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Wararka Puntland Post