Ciidanka PSF Puntland oo u gurmaday qoysas ku barakacay abaarta

Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay in ka badan 200 oo qoys oo ku nool deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal, Waxaana ka faa,iideystay deeqdaan qoysaska ku barakacay abaarta  oo ku nool tuulooyinka kala ah Abaareey, Reemanti, Awrculus, Hayaanle, Mayle, iyo Deegaano kale.

Dadka la gaarsiiyay deeqdaan ayaa uga mahadceliyay ciidanka gurmadka ay u sameeyeen, wuxuuna noqonayaa ciidanka PSF midkii ugu horeeyay oo ka qeybqaata gurmadka lagu samatabixinayo dadka abaartu saameysay.

Ciidanka PSF ayaa horey deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo Karkaar ee Puntland uga qeybiyay muwaacimo raashin ah oo loogu gurmanayo dadka ay saamaysay abaartu.

Sidoo kale ciidanka PSF ayaa door muuqda ku leh bilicda lagu qurxinayo magaalooyinka kala ah Garowe, Bosaso iyo Gaalkacyo oo ay qaar ka mid ah wadooyinka dhex mara ku sameeyeen dhireyn.

Daawo

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.