Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho Kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 April 2017 kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Oglan Bakar.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe.

Muhiimada Kulanka lagu lafaguray ayaa ahayd adkaynta xidhiidhka labada dhinac, Abaaraha, Amniga , Dhisida ciidan qaran, tababaro ciidan iyo Balanqaadyo dhawra oo ay Dawladda turkigu damacsan tahay inay Puntland ka Fuliso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn warbixin ka siiyey Danjiraha Wadanka Turkiga Mr. Oglan abaarta baaxadale ee ka jira Puntland waxaana uu sheegay inay Puntland ka jirto xaalad adag oo ay sababtay abaartu taas oo ay marayso maanta inay u nafwayeen xoolihiina ka dhamaadeen  dad badan oo ku dhaqan gobolada Puntland, ha ahadeen kuwo hore u joogey iyo kuwo kusoo hayaamayba.

Dhinaca Kale Madaxweynaha ayaa safiirka kala hadlay In ay kawada shaqeeyaan sidii ay Turkigu Puntland uga hirgelin lahayd mashaariico horumarineed oo salka kuhaya rabitaaanka  dawladda Puntland iyo shacabkeeda, waxaana uu sheegay in taasi ay horsed u noqon doonto wanaajinta iyo sii ambaqaadida xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale tibaaxay in abaabulka ciidan qaran ee Soomaaliya maanta ku hawlantahay ay muhiimtahay in dawladda Turkigu gacan ka geysato maadaama ay kamidtahay dalalka sida dhaw ula-socda una daneeya siyaasada, horumarka iyo wadajirka Soomaaliya.

Ambassador Oglan Bakar ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin adkaynta iyo sii anbaqaadida xidhiidhka labada dhinac, isla markaana waxa uu balan qaaday inay dawladda Turkigu diyaar u tahay inay dhowaan ka bilaabaan mashaarico horumarineed deegaanada Puntland,  kuwaas oo salka ku haya kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Mr. Oglan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in ay dhowaan u soo diri doonaan Puntland gudi soo qiimeeya saamaynta abaartu ay ku yeelatay degaanada Puntland sida ay u kala daran yihiin, waxaana uu cadeeyey inay si deg-dega gacan buuxda ka gaysan doonaan gurmadka loofidinaayo dadka abaartu saamaysay.

Ugu danabayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guulo lixaadle ka gaarey waacinta dadka tabaalaysan ee ay abaartu waxyeelaysay,  haka timaaddo gudaha Puntland iyo shacabkeeda oo is garabsanaya iyo beesha caalamkaba.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOODAHA DAWLADDA PUNTLAND.