In ka badan 130 arday oo ka qalin jabisay dugsiga Ibnu Baz ee magaalada Bosaso

 

Dugsiga waxbarashada ee Ibnu Baz ayaa waxaa ka qalin jabiyey arday farabadan, kuwaasi oo bartay Quraanka Kariim ah.

Ardayda ka qalin jabisay dugsiga ayaa dhammeyd 157 arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.

Xaflad ballaaran oo si weyn loo agaasimay isla markaana shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoon siinayey ardayda ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee hotel Sabaax Bosaso-Puntland-Soomaaliya.

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda maamulka dugsiga, arday, waalidiin, culimo’udiin, mas’uuliyiin ka socotay wasaradda waxbarashada Puntland, jaamacadaha Bosaso, mu’asasada Al-Minhaaj iyo marti sharaf kale.

Xafladda ayaa isugu jirtay laba qeybood oo waxaa la abaal marinayey ardayda baratay Quraanka, halka la sagootiyey ardayda ka baxday fasalka 8-aad

Maamulaha guud ee dugsiga Ibnu Baz Feysal Xuseen Cali oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray dugsiga.

Waxaa dugsiga waxaa la furay sanadku marka uu ahaa 2004 waxa uu soo maray maraxalado kale duwan ilaah mahadii xiligan waxa uu leeyahay faracyo kale duwan ayuu yiri maamulaha guud ee dugsiga Ibnu Baz Feysal Xuseen Cali .

Sheekh Cabdiraxamn Bukhaari oo ka hadlay munaasabada ayaa til maamay in Quraanka Alle oo labarto ay tahay mid adduun iyo aakhiraba lagu liibanayo isla markaan wax uu u duceyey ardayda dhammaystay Quraanka kariimka ah.

Gudoomiyaha guud ee Al MinHaaj Seekh Maxamed Cabdalla ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda ka qalin jabisay dugsiga.

Waxan iskuulka ku aqanay Aqoon iyo masuuliyd nimo waxa uu safka hor kaga jiraa Dugsiga ibnu Baz Dugsiyada musaba qadka ku horeeya.

Maamulka iyo Macalimintisana waxan ku Amaanayaa sida wanagsan Ee ay wax u Bareen Aradydan yar ra Ee Quruxda badan .

Kormeeraha guud ee Wasaaradda waxbarshada Puntland ee gobalka Bari, Muuse Jibriil Maxamad ayaa sheegay in dugsiga Ibnu baz uu ka mid ayahay dugsiyada ugu wanaagsan Puntland, sanad walbana uu soo saaro arday fara badan oo baraty Quraanka kariimk ah iyo Cilmiga qaybihiisa kala duwan.

Geba-gebadii muanasabada ayaa waxa lagu guddoon siiyey abaal marino kael duwan macallimiinta iyo maamulka dugsiga Ibnu Baz halka ay macalimiintuna ay ardayda gudoon siiyeen abaal marino kale duwan.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSASO