Hay,adda HARO oo deeq gaarsiisay in ka badan 2,000 oo qoys deegaanada Puntland

Hay,adda HARO ayaa 09-kii ilaa 14 bishaan ka qeybinaysa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug deeq raashin iyo biyo ah  oo ka timid dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, waxaana la gaarsiiyay deeqdaan oo ka faa,iideystay in ka badan 2,000 oo qoys oo la gaarsiiyay deeq raashin ah , halka tiro kale oo qoysas ah loo sameeyay biyo dhaan, sida uu xaqiijiyay Sheikh Yaasiin Cabdulaahi oo ah wakiilka Puntland ee Hay,adda HARO.

Sheikh Yaasiin Cabdulaahi ayaa sheegay inay ka qeybiyeen deeqdaan Deegaano ka tirsan Degmada Goldogob iyo Degmada Jariiban, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuulooyinka kala ah  Kalaah,Godca,Reydable,Booc iyo Conqorof oo ka tirsan Degmada Jariiban iyo Miyiga ku xeeran.

Macalin Yaasiin Cabdulaahi ayaa intaas ku darey in deeqdaan laga soo aruuriyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, Islamarkaana ay usoo wakiisheen Hay,adda HARO.

Daawo Sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST