Agaasime Max,ed C/qaadir oo u kuurgalay Waxbarashada Gaalkacyo

Agaasimaha guud Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Maxamed Cabdiqaadir Cismaan  oo kormeeraya xaaladda guud ee waxbarashada Gobolka Mudug Gaar ahaan Magalada Galkacayo ayaa kormeer lama filaan ah ku tagey qaar ka mid ah Iskuulada ku yaala magaalada Gaalkacyo, sida Degsiga Cumar Samatar, Yamayska, Dugsiga hoose/dhexe ee Salaamo iyo kuwo kale .

Kormeerkan oo ay ku wehlinayeen Agaasime Maxamed Cabdulqaadir xubno ka tirsan Wasaaradda sida Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Garweyne,Kormeerayaasha Waxbarashada ee Gobolka iyo Degmada, waxay kula hadleen Iskuuladii ay tageen Ardeyda kuwaas oo fursad u helay inay su,aalo weydiiyaan Agaasimaha.

Dhinaca kale Maxamed Cabdulqaadir Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa kulamo la qaatay dhamaan maamulayaasha iskuulada Gaalkacyo, Kuwaas oo uu kala shirey ujeedada socdaalkiisu ku qotontay oo qeyb ka ahayd inuu soo ogaado inay jiraan iyo in kale Iskuulo aan waafaqsanayn nidaamka wasaaradda waxbarashada.

Agaasimaha ayaa waxaa uu ardayda Dugsiyada sare kula dardaarmay, in ay ahmiyad siiyaan waxbarashada sare ee gudaha, maadaama haatan ay kor u kacday tayada waxbarashada sare ee Dalku, waxaase uu dhiiri galiyey in ay ardaydu dalka iyo Dibadda kii ay helayaanba ay kusii wattaan waxbarashadooda Dalka.

Waftigan Wasaaradda Waxbarashada Puntland ku tageen Gaalkacyo waxay kala soo kulmeen kormeerkooda arrimo ay ka mid yihiin sida iskuulka mideeye oo horay loogu aqoon jiray AL- Raxma iyo iskuuka Abdulaahi Yuusuf oo horay lagu aqoon jiray Shabeele, Iskuulada ayaa Wasaaradda Waxbarashada aan kala socon dhica siyaasadda Waxbarashada Puntlnad.

Halka Iskuulka Al Raxma uu buuxin kari waayay shuruudaha Waxbarshada, wuxuuna Agaasime Maxamed Cabdulqaadir u qabtay bisha lixaad ee soo socota inuu la yimaado siyaasad cad haddii kale Wasaaraddu ay marin doonto Sharciga.

Sidoo kale waxaa jiray Iskuulo dhawaan la aas aasay oo horumar ka sameeyay Waxbarashada, Waxaana ka mid ahaa dugsiga sarre ee Abdirashiid Cali Sharmaake oo horumar wayn uu ka muuqday qaabka waxbarashadiisu, waana mid ka mid ah iskuulada haysta macalimiin khuburo ah oo leh tayo fiican, balse ku yaala ama degan meel ciriiri ah Islamarkaana mashaariicda Waxbarashada Puntland aan wali loo qorsheyn iskuulkan oo la asaasay sanadkii 2014kii.

Dhinaca kale Maalntii khamiista ayaa agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Abdulqadir Cismaan isga iyo Gudoonka Waxbarshada Mudug  la kulmeen Maamulayaasha iskuula  oo gaarayey 75 muumule oo iskujira Dugsiyada Hoose/dhexe iyo Dugsiyada sare  .

Kulankan oo qaatay saacado badan ayaa markii horre ku bilowday qaab xasaasiya oo la iskula soo qaaday  su’aalo muran badan dhaliyey oo cabasho loogu soo gudbinayo Agaasime Maxamed Cabdulqaadir iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Waxayna aakhirkii maamulayaasha Iskuuladu u mahadceliyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo ay sheegeen inay tahay markii ugu horeysay oo dhigiisu kulan noocaan ah la yeesho, Ka dib markii uu ku guulaystey Agaasime Maxamed Cabdulqaadir in jawi degan uu kusoo dhamaado kualnku, islamarkaana uu si degan u qanciyay dhinacyadii uu la shirey.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay  shaqaalaha xafiiska waxbarashada gobolka Haday tahay Waxbarashada Dadban, iyo Waxbarashada Naafadda  oo ay kasoo qayb galeen dhamaan shaqaalaha  xafiisku islamarkaana ujeedadiisu ahayd dardaaran ku aadanku aadan  wada shaqaynta Gobolka waxbarshada sidii loo keeni lahaa loogana soo uruurin lahaa degmooyinka hoosyimaada  Gobolka xogta dhabta ah ee dhinacyada waxbarashada sida xogta ardayda, dugsiyada, macalimiinta Barnamijkaa oo loo yaqaan EMIS asbuucana ka bilaban doona  dhamaan Goblada.

Si la mid ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka ayaa kormeero ku tagey xarumaha Jaamacaddaha ee magaalada Gaalkacyo iyo kuwa lagu barto farsamada gacanta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw ciise  iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abdulqadir Cismaan  iyo  Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf  ayaa ag xariga kasoo jaray Kuleejka gabdhaha ee deegaanka Bursaalax, kaas oo dhawaan la dhamaystiray. ugu danbayntiina waxaa uu amaanay habka wanaagsan ee ay usocoto waxbarashada magaaladda Gaalkacyo, oo xaaladda adag oo Colaada iyo abaar ah saamyeen  Waxbarshada Gobolka balse abaarta ay kala simanyihiin Dalka oo dhan.

Daawo Sawiro.

Gaalkacyo

PUNTLAND POST