Wasiirka Waxbarashada Puntland oo booqday barakacayaasha Bursaalax

Wasiirka Wasaaradda Waxabarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Abshir Yuusuf Awciise  oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gobolka Mudug Agaasimaha Wasaaradda Waxbarshada  iyo  Gudoomiyaha Waxbarashada masuuliyiin kale oo katirsan  maamulka magalda Buursalax  ayaa  booqday   duleedka Koonfureed ee magaalaada Buursaalax.

Ujeedada  booqashada Masuuliyiinta ayaa la xiriirta u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaankaasi iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadkaas.
.
Dadka kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka ee ku sugan duleedka magaalada Buursaax waxaa ka muuqda daruufo aad u adag, waxayna Masuuliyiinta u kuurgaleen Indhahoodana  ku arkeen xaalada adag ee dadkaasi ku sugan yihiin.

Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Abshir Yuusuf Awciiise  ayaa ku dhexsocdaalay xeryaha ay kujiraan dadka barakacyaasha ah wuxuuna warbixino laxiriirta nolosha dadkaasi ka dhegeystay maamulka deegaanka iyo waxgaradka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST