Real Madrid oo guul soo laabasho ah ka soo gaadhay Bayer Munich

Kooxda kubbada cagta Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah garoonka Allianz Arena ku soo gaadhay markii ay 2-1 ugu awood sheegatay kooxda Bayer Munich, kulan ka tirsanaa Siddeed dhamaadka tartanka Champions League-ga.

Zinedine Zidane tababarah Real Madrid oo ah ninka koobkan difaacanaya ayaa guul daro xanuun badan dhabarka u saaray macalinkii uu caawiyaha ahaa ee Carlo Ancelotti oo markii ugu hiraysay ka hor yimid kooxdiisii hore Real Madrid.

Bayer Munich ayaa goolka la hormartay daqiiqadii 25-aad qeybtii hore ee ciyaarta , ka dib markii Arturo Vidal uu dhaliyay kubad qurux badan oo badax ahayd markiii uu ka faa’iidaystay koorno uu soo tuuray Thiago Alcantara isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0, laakiin taa badelkeeda waxa uu Arturo Vidal lumiyay fursad ahayd Riigoodhe lagu abaal mariyay Bayer dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta.

Laacibka Aduunka Cristiano Ronaldo oo ahaa xidiga garoonka ayaa daqiiqadii 47-aad ee qeybtii danbe ee ciyaarta kooxdiisa Real Madrid u keenay goolka ay sida weyn ugu baahnayd ee bareejada, kadib karkii uu caawinaad  wanaagsan ka helay Daniel Carvajal uu taabasho ku dhamaystiray.

Bayer Munich ayaa jaah wareertay daqiiqadii 61-aad markii kaadhka Cas loo taagay Javier Marinez ka dib markii uu labo daqiiqo gudahood ku qaatay labo kaadh oo digniin ah.

Real Madrid ayaa intaas wixii ka danbeeyay raadisay fusad ay ku helikarto gool labaad weero isdaba jog ah ka dib ayey heshay goolka labaad daqiiqadii  77-aad markii marlabaad Cristiano Ronaldo kubad uu fayga hore ku taabtay ha hoos baxday gool haye Manuel Neuer, taas oo uu caawinaadeeda lahaa Marco Asensio, gookaas ayaa ayaana noqday goolkii 100-aad ee Cristiano Ronaldo uu ka dhaliyo tartamada Yurub sidoo kalan ahaa goolkii 97-aad ee uu ka dhaliyo Champions League-ga.

Ugu danbeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay guushu ku raacday Real Madrid , waxaana harsan kulanka lugta labaad oo ka dhici doona garoonka Real ee Santiago Bernabéu.

Dhanka kale waxaa caawa la yiraaray kulamo kale oo ka tirsan tartankan Champions League-ga, waxaana ma mid ahaa kooxaha AS Monaco iyo Borussia Dortmund kaas oo ku soo idlaaday 3-2 ay guushu ku soo raacday AS Monaco oo marti u ahayd Borussia Dortmund.

Sidoo kale waxaa laciyaaray kulan xalay baaqday oo dhemarilahaa Atletico Madrid iyo Leicester City kaas oo isna ku dhamaaday 1-0 ay ku adkaatay Atletico Madrid, waxaana goolka qura dhaliyay weerar-yahanka halista badan ee Antoine Griezman.

Kooxaha reer Spain ayaa tartankan sanadihii ugu dambeeyay ugu awood badnaa waxaana hadda Siddeeda kooxood ee ku tartamaysa koobkan Sedex ka mid ah ay yihiin Spain, halka Italy, England iyo Farance ay mid hal koox ka joogto.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST