Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Puntland oo tagey Degmada Dhahar

Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey degmada Dhahar oo xarun u ah Gobolka Haylaan, ka dib socdaal ay subaxnimadii hore ee maanta uga amba baxeen magaalo madaxda Puntland ee Garowe .

Waftiga Wasiir Cabdinaasir Cuuke ayaa u kuurgalaya xaalada caafimaadka dadka ay saameeyeen abaaruhu, wuxuuna isla maanta Wasiirku xariga ka jarey xarun loo dhisay daryeelka nafaqada caruurta.

Wuxuuna kusoo beegmayaa safarka Wasiirka Caafimaadka Puntland ku marayo deegaano ka tirsan Hayland iyo Sanaag xilli si isdaba joog ah Wasaaradiisu ugu direyso Gobolada Kalkaaliyayaal caafimaad oo u adeega dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Masuuliyiinta ku wehlinaysa Wasiir Cuuke socdaalka uu ku gaarey Degmada Dhahar waxaa ka mid ah Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdirasaq Xirsi Xasan, Waxaana qorshuhu yahay inay waftigaan socdaal ku maraan gobolo kala duwan oo ka tirsan deegaanada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST