Shir ku saabsan dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo lagu qabtay dalka Ethiopia

Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland Siciid Maxamuud Jaamac  iyo Masuuliyiin ka socota Shirkadda ISXILQAAN oo ku guulaysatay dhismaha wadada laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo ayaa magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kula shirey masuuliyiinta Hay,adda GIZ oo midowga Yurub uga wakiil ah mashruuca lagu dayactirayo dhismaha laamiga Garowe iyo Gaalkacyo.

Shirkaan saddex geesoodka ah ayaa daba socday fahamka qandaraaska gaar ahaan heshiiskii  01 April 2017 ay magaalada Garowe ku kala saxiixdeen Hay,adda Wadooyinka Puntland (PHA) iyo Shirkadda ISXILQAAN, Taaba-galinta qandaraaskan iyo Dardargalinta mashruuca Xarfo-jalam, Iyadoo la raacayo sharciga iyo shuruudaha habdhaqanka qandaraaska iyo kan dowliga ahba.

Gudoomiye Siciid Maxamuud Jaamac ayaa u sheegay PUNTLAND POST inuu guul kusoo dhamaaday shirkan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday magaalada Adis Ababa masuuliyiin ka socota Hay,adda GIZ, Shirkadda ISXILQAAN iyo Hay,adda Wadooyinka Puntland.

Dhismaha laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo ayaa laga dhursugayay labadii sano ee lasoo dhaafay siday Puntland uga dhabayn lahayd mashruuca hadda miiska saaran oo dalalka midowga Yurub ay ku deeqeen in lagu dayactiro.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST