Puntland oo si weyn u xustay sanad guurada 57aad ee ciidanka Soomaaliya

PUNTLAND ayaa maanta si balaaran ugu dabaal degtay xuska sanad guurada 57aad ee kasoo wareegtay maalintii la aas aasay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed 12 April 1960-kii, Waxaana maanta lagu qabtay xerada 54aad ee ku taala duleedka magaalada Garowe xus balaaran oo loogu dabaal degayo maalintan, waxaana ka qeyb galay saraakiisha ugu sareysa ciidanka Puntland iyo Cutubyo ka tirsan ciidamada oo soo bandhigay dhoolatus ciidan iyo suugaan isugu jirta heeso, gabayo iyo buraanburo.

Taliyaha Ciidamada Puntland S/guuto Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo khudbad dheer kazoo jeediyay xuska maalintaan ayaa ka waramay marxaladihii iyo tariikhdii laga soo marey Aas aaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

S/guud Siciid Dheere ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan qorshayaal dib loogu dhisayo ciidan qaran oo ay yeelanayso Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay inay ka mid noqonayaan hadda wixii ka dambeeya ciidanka daraawiishta Puntland ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Haddaba daawo munaasabad balaaran oo PUNTLAND maanta ku xustay sanadguuradii kazoo wareegtay maalintii la aas aasay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo 57 sano kazoo wareegtay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST