Puntland oo Dar-dar-gelin horle ku samaynaysa tayada Shaqaalaheeda

Shir lagu gorfaynayey nooca tababar ee ay u baahan yihiin Madaxqaybeedyadii cusbaa  ee dhowaan ay qaadatay dawladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay Jaamacadda Puntland State xarunteed Garoowe iyadoona ay shirkaasi soo xaadireen in ka badan 50 qof oo kamid ah Madaxqaybeedyadii dhowaan la qaatay.

Sidoo kale shirka waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin ka socdey Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, xubno ka socdey Guddiga xiriirinta Mashruuca Tayaynta iyo shaqo qorista ee uu dawladda caawinayo Baanka Adduunku ee PCU, Khuburo caalami ah oo hadhow bixin doona tababarka shaqaalaha iyo Macallimiin ka socdey Jaamacadda Puntland  State.

Ujeedada shirkaan ayaa ahaa in si dhow loo xog waraysto baahiyaha tababar ee ay u baahan yihiin madaxqaybeedyadii dhowaan la qaatay si kor loogu qaado tayadooda aqooneed isla markaana ay xafiisyada dawladdu u noqon lahaayeen kuwo ka kaaftooma baahi walba oo bannaanka looga baahan jirey shaqaale ajaanib ah oo dhaqaale badan iyo waqtiba ay ku bixin jirtey dawladdu.

Shirkaan ayay Madaxqaybeedyadu kusoo bandhigeen dhammaan caqabadihii lasoo gudboonaadey muddadii ay xafiisyada joogeen kuwaas oo ay doonayaan in laga caawiyo sidii ay ula tacaali lahaayeen waana arrinta ugu muhimsanayd ajandaha shirkaan manta la qabtay.

Ugu dambayn marka la uruuriyo dhammaan  baahiyihii kasoo baxay shirka isla markaana lagu daro waxyaalaha kale ee loo arko in ay shaqaalaha ka caawin doonaan dardargelinta shaqadooda ayaa waxa la bilaabi doonaa tababarkii,  iyadoona lagu qaban doono Tababarka  Jaamacadda PSU  10-May-2017 haddii eebbe oggolaado.

—Dhammaad—-
Shirka PSU