Kulan xiiso badan oo Caawa dhexmari doona Juventus iyo Barcelona

Juvantus vs Barcelona

Kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa Caawa isaga hor iman doona kulanka lugta kowaad ee wareega Quarter-final ama Sideed dhamaadka koobka UEFA Champions League-ga, kaas oo ka dhici doona Stadium Juventus ee magaalada Turino ee dal Talyaaniga.

Kooxda Juventus ayaa kulankan doonaysa in ay ka aarsato Barcelona oo sanadkii 2015 ka qaaday finalkii koobkan, iyadoo tababarah Juventus Allegari uu sheegay in uu Barca kala hortagi doono shax ciyaareedka 4-2-3-1, loona baahanyahay in aan golal dhalino si aan ugu gudubno wareega xiga.

Kooxda Barcelona ayaa iyana Caawa doonaysa in ay guul daarto, maadaama kulankii kulankeedii horyaalka ee todobaadkan ay ka adkaatay Malaga, iyadoo si doo kale uu ganaax uga maqanyahay Sergio Busquets, tababarah Barca Luis Enrique ayaa macquul ah in uu ku shax tago shax ciyaareedka 3-4-3.

Barcelona ayaa sanadkan wacdaro ka dhigtay Champions League-ga, kaib markii ay samaysay soo laabashadii Abid ugu weyn taariikhda cubadda cagta markii ay 6-1 ugu awood sheegteen kooxda Paris Saint Germain oo lugtii hore uga soo badisay 4-0.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Juventus: Buffon, Dani Alves, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Khedira, Pjanic, Cuadrado, Dybala, Mandzukic, Higuain.  

Barcelona: Ter Stegen, Sergi Roberto, Pique  , Umtiti, Jordi Alba; Mascherano, Rakitic, Iniesta,  Messi, Luis  Suarez, Neymar.

Warbixinka kulanka

Kulanka: Juventus vs Barcelona

Tartanka: Champions League Quarter-final, Game 1

Wakhtiga: 9:45 PM

Garoonka: Juventus Stadium

Garsooraha: Szymon Marciniak (Poland)

Liban Yusuf

PUNTLAND POST