Amal Bangi oo maal gelin u sameeyey ganacsatada haweenka ah ee gobolka Bari

Bangiga Amal oo ujeedooyinkiisa ka mid tahay horumarinta bulshada si weyn uga dhex muuqda adeegyada bulshada iyo hormarka guud ayaa waxa uu barnaamij kor loogu qaadayo ganacsatada yar-yar ee dumarka ah ka bilaaway dhammaan xarumaha Bangiga ee Soomaaliya oo dhan.

Barnaamijkan oo ganacsatada lagu siinayo lacago amaah ah oo aan faa’ido la socon (Qardu Xassan) ayaa faraca bangiga ee magaalada Bosaso waxa uu xaflad u qabtay 40 ka mid ah hooyooyin ganacsatada yar-yar, kuwaasi  oo ka faa’idaystay wajiga koowaad ee barnaamijka.

Xafladda lacag ku wareejinta guuleystayaasha maal gelinta fudud ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada qeybaheeda kale duwan.

Ugu horeyn maamulaha Bangiga Amal ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari  Dr. Maxamed Faahiye Ciise ayaa ka hadlay ujeedka xafladdan loo qabtay iyo sida ay shirkadda Amal uga go’antahay markasta in ay ugu horeyso waxtarka bulshada.

Jaamac Ciise Maxamuud oo  madaxa horumarinta ganacsiga ee Amal banka ee gobolka Bari iyo Sanaag Bari  ayaa  sidoo dhankiisa sheegay in barnaamijkan ay la socon doonaan tababarro joogto ah iyo la talin si ay ganacsatadu hab fiican ugu maamulaan ganacsigooda.

Shamis Mahad Bulxan oo ka socotay wasaaradda haweenka ayaa kula dar-daaranay haweenka loo sameeyey maalgelinta (qardu xassanka ah) in ay kaga faa’idaystaan hormarinta ganacsigooda isla markaasna ay ka faa’idaystaan aqoonta iyo tababarada la socda.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo soo xiray munaasabadda ayaa aad u bogaadiyey sida Bangiga Amal u garab taagan tahay ganacsatada yar-yar iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in uu goob joog u soo ahaa marmar badan Amal oo ka qayb qaadanaysa arimaha bulshada sida in ay lacago deeq ah ku wareejisay gudiyada abaaraha ee kala duwan, taageerista caafimaadka iyo waxbarashada.

Haweenka loo sameeyey maal gelinta ayaa soo dhaweeyey, waxa ayna sheegeeen in barnaamijkan uu yahay mid haweenka ku dhiiri gelinaya in ay ganacsadaan isla markaana ganacsigooda hormariyaan.

Bahda Amal Group oo uu ka tirsanyahay Amal Bank ayaa inta badan ka muuqata taageerista waaxyada muhiimka ah ee bulshada sida hormarka, waxbarashada iyo caafimaadka taas oo ay inta badan bulshadu ku bogaadiyaan.

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/04/

CABDIQANI BOS

PUNTLAND POST