Tartan Kubadda Cagta ah oo Ciidanka PSF u qabteen kooxaha xaafadaha Bosaso

Munasabadan lagu daah furayay Kooxo ku Ciyaaraya magacyada 16-ka Xafadood ee Bosaso ka kooban tahay ayaa looga danleyahay sida dhalinyarada looga Wacyi galin lahaa wax yabaha saameynta ku yeesha dhalinyarada mustaqbalkoda sida Tahriibta iyo Argagixisnimada.

Tartankan Kubada Cagta ay dhalinyarada Xaafadaha Bosaso isku arki donaan waxaa maalgalinaysa Ciidamada Ciidamada PSF-da waxaana Kooxahan u dhamaystiran qalabka Ciyaartoyda.

Tartankan waxaa fulinaya xiriirka Kubada Cagta Puntland oouu  ugu hooreeyo Gudomiyohooda Mustafe Majacase Waxaana sido kale Garsorayaal ka ah Garsorayaasha ugu Caansan Gobalka Bari ee heer Wasaaradeed wuxuna soconaya mudo ku dhow 10 cisho.

Cabdiqani Jaamac Muse oo ku magacdheer Faandhuul oo ka mida Sarakiisha ciidanka PSF ayaa ka Warbixiyay ujeedka ay ka leeyihiin Ciyaartani, waxaana uu timamay in ay tahay is dhex galka dhalinta iyo sidii loga shaqan lahaa.
Duqa Degamada Bosaso Eng Yasiin Mire Maxamuud ayaa isna waxa uu tilmaamay inay tahay wax lagu farxo waxaana uu u mahad celiyey Ciidamada PSF oo kaalin buuxda ka qaatay isku keenida dhalinta intaa le’eg.

Gudomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Puntland Mustafe Cabdirixmaan Majacase ayaa  dhankiisa sheegay inay Xiriirku wadaan shaqo Culus oo ka dhexeyn doonto Maamulka sare ee Cidanka PSF, si kaalan looga qaato in la so saaro dhalin kubada khibrad u leh.

Gudomiyaha Gobalka Bari Dr Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa uga mahadceliyay Sarakiisha  PSF Tartankan ay u qabteen dhalintan ka socota xafadaha kala duwan ee Bosaso.
Mudada uu Tartankan socdo waxaa isku arki doonta dhalinyaro kala Matalaysa 16-ka Xafadood ee Bosaso, waxayna qeyb ka tahay isdhex galka iyo ka wada Shaqeynta Amniga Magaalada Ganacsiga Puntland ee Bosaso.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST