Dawlada Kenya oo Amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo dilkii Xaafadda Islii

Dawlada Kenya ayaa Amar ku bixisay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dilkii Ciidanka Kenya ay Xaafadda Islii ugu geysteen Labo Wiil oo mid ka mid ah uu yahay Soomaali oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Kooxda Supper Power.

Dawladu waxa ayaa sheegatay in Falkaasi uu yahay mid laga Argagaxo ,madaama Ciidanka ay dilka u geysteen si ka baxsan Sharciyadda dalka Kenya.

Waxaa uu sheegen in ay xireen Askarigii Falkaasi geystay ,islamarkanaa ay ku sameyn doonaan Baaritaan deg deg ah.
Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda u dooda xuquuqul Aadanaha ee Amnesty international ayaa lagu sheegay in Booliska Kenya ay dadka dilaan iyagoo aan ku sameyn baaritaan.

Waxaana ay Hay’addu ay sheegtay in ay geysteen 120 dil oo Sharciga ka baxsan.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST