Xarunta Caafimaadka Shaafici Oo Bosaso Ku Daah Furtay Qalab Caafimaad Oo Casri ah

Boosaso[Puntland Post] Munasabad Oo Lagu Daah Furayay Qalab Cafimaad Oo Casri Ah Kaasi Oo Lagu Oganayo Cadurada Guud Oo ay keentay Xarunta Caafimadka Ee Shaafici Medice Dignoctic Center ayaa ka dhacaday Magaalada Boosaso Ee Xarunta Gobalka Bari,.

Munasabadan  ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Dhakhatiirta Ka Howl Gasha Magaalada Bosaaso, Maamulka gobalka Bari, Madaxda Rugta Ganacsiga Puntland, Iyo Masuuliyiin Kale.

Dr Ismaciil Shaafici Oo Ah Maamulaha Xarunta Shaafici Ayaa Sharaxaya  Qalabkan uu soo kordhiyey isgoona ku tilmaamay Qalabkan mid wax wan u Tari doono Bulshada Soomaliyeed Gaar ahan shacabka Puntland mudan ay ku hawlanayeen sidii ay u keeni lahyeen Qalab waxtar u leh Bulshada Reer Puntland.

Sheikh Fu -Aad  Xaaji Nuur  Gudomiyaha Gudiga Abaaraha Puntland Ayaa Dhakhatiirta Ugu Baqay Inay Tagan Deeganada Dadka Abaartu Sameysay Ku Nool Yihiin waxana uu sheegay in xiligan ay soo korortay Xaalada Caafimad Daro loona baahan Yahay in Gurmad Caafimad Lahelo.

Dr Ismaaciil Rooble Iyo Dr Maxamed Siciid Oo Ku Hadlayay Magaca Dhakhatiirta Puntland Waxay Shegeen Inay Soo Dhawaynayaan Qalabkan xiligana Baahi wen loo Qabay.

Dr Xeyd Oo Ku Hadlayay Magaca Xarumaha Cafimaad Ee BosaAso Waxa Uu Dhakhatiirta Ugu Baqay In Qalabka Cafimaad La Keeno si looga Boxo baahida loo qabo Qalab Tayeysan oo markiiba Jawaab Bixin kara.

Gudomiye Ku Xigeenka Gobalka Bari Axmed Cali Cabdilahi Ciro Waxa Uu Shegay Inay Garab Tagan Yihiin Dhakhatiirta loona Baahan Yahay in dhakhatiirtii ku shaqan lahad Qalabkan iyagna lahelo.

Xarunta Cafimaadka Ee Shaafici Group Waxay Ka Mid Tahay Xarumaha Cafimaad Ee Bosaso Wana Xarunta Keenta Daawoyinka Bosaso.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST