Madaxweynaha Soomaaliya oo u safray Dalka Jordan.

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goordhaweyd ka amba-baxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaliya iyo Wafdigiisa ayaa ku wajahan Wadanka Urdun oo 29-ka bishaan March uu ka furmi doono shir Madaxeedkii 28-aad ee Wadamada jaamacadda carabta kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madax sare, oo ay kamid yihiin boqorka Sucuudiga Boqorka Urdun Cabdullaahi, Salman bin-Cabdicasiis, Madaxweynaha Masar Cabdicasiis Sisi iyo madaxda kale ee wadamada kale ee Jaamacadda carabta.

Wafdigaan uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Somaliya Farmaajo waxaa garoonka Diyaaradaha aadan cadde ee Magaalada muqdisho kusii sagootiyay mas’uuliyiin ka Tirsan Labada Golle ee Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Saraakiil Ciidan.

Qodobada lagu falaqayn doono shirweynaha waxaa ka mid ah arrimaha Falastiin, degaamaynta yuhuuda ee dhulka falastiin, ammaanka biyaha wadamada Carabta, waxaa kaloo lagaga hadli doonaa xaaladihii u dambeeyay ee wadamada Ciraaq, Siiriya, Liibiya, Yemen iyo abaaraha saameeyay Soomaaliya.

Dhanka kale Kullanka hordhaca ee gollaha wasiirada Carabta oo hadda ka socda Hotel Kempinski ee Cumaan, kaasi oo lagu diyaarinayo ajendaha kullanka beri ayaa sidoo kale laga hadlay dagaalka ka dhanka ah waxay ugu yeereen argagixisada iyo guud ahaan amniga mandaqada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho