Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tegey Wasaarada Maaliyada iyo Bangiga Dhexe

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore 28, March, 2017 kormeer shaqo ku tegey Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland iyo Bangiga dhexe ee Puntland, waxaana ku wehelinaayey Madaxweynaha kormeerkan shaqo saraakil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Kormeerkan shaqo ee uu Madaxweynuhu ku tegey Wasaarada Maaliya iyo Bangiga dhexe ee dawladda Puntland, waxa ay dulucdiisu ahayd wax ka ogaan shaha shaqooyinka baaxada lehe ee  wasaarada iyo bangiga dhexe ee DPL.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer kiisa shaqo ka bilaabay wasaarada maaliyada dawladda Puntland waxaana uu ugu horayn kulan la qaatay wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada, xisaabiyaha guud ee wasaaradaasi iyo qaar ka mida shaqaalada wasaarada.

kulanka kadib waxa uu madaxweynuhu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaarada halkaas oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha  xafiisyadu, is xog waraysi kadib waxa uu madaxweynuhu kula dardaarmay shaqaalaha wasarada inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda,  isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Bangiga dhexe ee Dawladda Puntland, halkaas oo uu kula kulmay shaqaalaha bangiga, waxaana uu Madaxweynuhu indha indhayn  iyo kormeer ku sameeyey dhammaan xafiisyada kala duwan ee Bangiga.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shaqaalaha Bangiga dhexe ee Dawladda Puntland kula dardaarmay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda Puntland iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan masuuliyada gaara.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.