Deeq ka timid gabdho ku nool dalka UK oo la gaarsiiyay tuulo ka tirsan Gobolka Nugaal

Jimciyadda wanaag farida iyo xumaan reebida ee AL_AMRU BIL MACRUUF, WANAHYU CANIL MUNKAR ayaa maanta ka qeybisay deeq raashin iyo biyo ah tuulada Dacare oo kaga beegan 80 KM dhanka waqooyiga galbeed magaalada Garowe , Islamarkaana 20 KM u jirta tuulada Kala_beyr ee Gobolka Nugaal.

Deeeqdaan ayaa ka timid gabdho ku nool dalka ingiriiska gaar ahaan magaalada Bringham, waxaana la gaarsiiyay qoysas ay saameysay abaarta ka jirta deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.

Shiikh Yaasiin Cabdulaahi ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay gaarsiiyeen ilaa 63 qoys deeq raashin ah oo ay sii dheer tahay biyo dhaamin ay ka sameeyeen tuulada Dacare ee Gobolka Nugaal.

Wuxuu ku tilmaamay Shiikh Yaasiin xaalada abaarta inay tahay mid heer kulul mareysa, wuxuuna ugu baaqay cid kasta oo ka qeyb qaadan karta gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ay saamaysay in looga baahan yahay kaalintooda.

Dhagayso Wareysi Shiikh Yaasiin Cabdulaahi

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST