Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti ka Socdey Bangiga Aduunka

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 March 2017 Xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay wefti ka socdey Bangiga Aduunka.

Madaxweynaha yaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland.

Kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu weftigan ayaa waxaa lagaga arrinsanayey mashuuca hab Maamulka Xisaabaadka Dawladda Puntland Public Financial Management (PFM) iyo Daafurka Mashruucaasi.

Mashruuca hab maamulka xisaabadka Dawladda Puntland ayaa waxaa lagaga gudbi doonaa habkii hore  loo isticmaali jirey kaas oo lagu bedeli doono hab casri ah oo la adeegsan doono qaab electronic ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka dhegaystey warbixino ku saabsan faa’iidada isticmaalka barnaamij kani weftiga ka socdey Bangiga Aduunka ayaa waxa uu ku amaanay qaabka wanaagsan ee ay u wadaan barnaamij kani, kaas oo waxbadan ka bedelidoona qaab xisaabeedka wasaarada Maaliyada dawladda Puntland.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa shaagay in barnaamijka hab maamulka xisaabaadka Dawladda Puntland (PFM) uu fududayn doono dejinta miisaaniyada Puntland, wax weyna ka tari doono la socoshada kharashka ka baxay dawladda iyo kharashaadka dawladda u soo xerooday.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey hawl wadeenada wasaarada maaliyada Puntland inay muhimad gaara siiyaan mashruucani kana faa’iidaystaan, si mustaqbalka ay si fudud uga midha dhaliyaan hiigsiga qorshaha mustaqbalka dhow iyo kan fogba ee wasaarada maaliyada dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.