Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Soo Bandhigay Liiska Lacagaha Soo Gaaray

Guddiga gurmadka abaarahaa Puntland ayaa magaalada ku soo bandhigay Liiska magacyada shirkadaha iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo lacag ka badan 150 kun dollar soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha guddiga Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Masjidka rowda ee magaaladda Bosaso, wuxuu faafaahin ka bixiyay shirkadaha, shakhsiyaad iyo  jaaliyada Soomaaliyeed  dibadaha ku nool ee soo gaarsiiyay  guddiga lacagaha sadaqada ee lagu taakulaynayo dadka abaaruhu saameeyeen.

Gabagabadii, Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur, Sheekh Daahir Aw-cabdi,  waxay u duceeyeen shirkadaha, Jaaliyadaha iyo dadka muxsiniinta ah ee lacagaha soo diray si loogu taakuleeyo dadka soomaaliyeed ee Abaaruhu dhafiiyeen xoolahooda, khatarna ugu jira inay macaluul iyo haraad u dhintaan.

Daawo shirka Jaraa-id ee Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Puntland Sheekh Fu-Aad Xaaji Nuur

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/03/

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/03/

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST