Doonyo Jariif ah oo lagu qabtay Degmada Eyl Gobolka Nugaal

Waxaa la keenay xeebta magaalada Badeey labo doonyood oo si sharci daro ah uga kaluumaysanaya xeebta Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ka dib hawlgal ay ka sameeyeen biyaha Badweynta Hindiya cutubyo ka tirsan ciidanka badda Puntland.

Cabdishakuur Axmed Aadan (Gorgor) oo ku sugan Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa u sheegay PUNTLAND POST in labada doonyood mid ka mid ah laga leeyahay dalka Yemen, Wuxuuna sheegay in doonta kale uu leeyahay nin ganacsade ah oo magaciisa la yiraahdo Aadan Maxamuud Xaaji Faarax .

Cabdishakuur Gorgor ayaa ku sheegay magacyada doonyaha SAHRILEEY oo ah doonta laga leeyahay dalka Yemen oo ay la socdeen 19 qof, halka magaceeda la dhaho doonta kale  USAAMA oo sheegay inuu leeyahay ganacsade Aadan Maxamuud Xaaji Faarax  oo ehel dhaw la ah Wasiirka Qorsheynta Puntland Shire Xaaji Faarax .

Maamulka Degmada Eyl ayaa kusii daayay ganaax lacageed oo gaaraya $ 2,000 (labo kun oo dollar ) doonta SAHRILEEY ee laga lahaa dalka Yemen, Halka wali ay ku xiran tahay xeebta Badeey ee Degmada Eyl doontii kale ee la sheegay inuu leeyahay ganacsade la yiraahdo Aadan Maxamuud Xaaji Faarax.

Walaaca ka jira jariifka iyo boobka lagu hayo xeebaha Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya marba marka ka danbeysa, waxayna ku sababeeyeen khuburo badan inay keeni karto soo laabashada falalkii burcad badeednimada oo u muuqday mudooyinkii u dambeeyay kuwo laga suuliyay xeebaha.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.