Xiisad u dhaxeeysa Ciidamada Kenya iyo Dad Shacab ah oo ka taagan Ceel-Waaq

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay ay ka taagantahay xiisad u dhaxeeysa Ciidamada Kenya iyo Dad Shacab ah.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya oo wata Cagaf Cagafyo ay ka soo gudbeen xadka kuwaasi oo doonaya in ay dhismayaal sharci daro ah ay ka sameeystaan Gudaha Soomaaliya.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa sheegay in ay ka hortageen oo ay ka dhiidhiyeen falkaasi ay damacsanyihiin Ciidamada Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka halkaasi naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Dadkii Shacabka ahaa ee hubeeysan iyo Ciidamada Kenya ay is horfadhiyaan.

Hoos ka dhageyso Codka Goobjooge Ceel Waaq.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Wararka Puntland Post