Soomaliya iyo Uganda oo Kawada Hadlay Dib u dhiska Ciidamada iyo Dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya kula kulmay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa diirada lagu saaray xiriirka u dhaxeeya Wadamada Soomaliya iyo Uganda iyo xaaladiisa ugu dambeeyay ee qaarada afrika.

Ugu horeyntii Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ugu hambalyeeyay dhigiisa dalka Soomaliya Farmaajo guushii uu ka gaaray doorashadii Soomaliya ka dhacday 8-dii bishii February ee sanadkaan 2017-ka oo uu ku guuleystay in uu noqdo madaxweynihii 9-aad ee Soomaliya.

“Waxaan doonayaa inaan kuugu hambalyeeyo labo dhacdo oo tan hore ay tahay guushii aad ka gaartay doorashada Soomaaliya tan labaad waxaan kaaga mahadcelinayaa dhagaysiga aad dhagaysatay xikmad ka timid nin oday ah oo ahayd inaan la curyaamin Soomaaliya.”ayuu yiri Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni.”

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) iyo dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa isku soo hadal qaaday arrimaha amaanka dalka Soomaliya iyo sidii loo qalabeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa kulankaas ka cadeeyay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay sidii uu dib u habeyn ugu sameyn lahaa ciidamada dalka Soomaaliya loona qalabayn lahaa si ay awood ugu yeeshaan inay ka hortagaan Alshabaab dalkana ammaankiisa soo celiyaan.

Uganda ayaa ah Dowladd kaliy ay Ciidamo badan ay ka jooogaan Gudaha dalka Soomaliya waxayna dowladda Federaalka Soomaliya ka caawinayaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Xasan Maxamed Samaatar Cowke 

Puntland Post