Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku Daahfuray Siyaasada Daryeelka Dadban ee Caruurta Dayacan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 March 2017 Magaalada Garoowe ku daahfuray siyaasada daryeelka dadban ee caruurta dayacan ee ku dhaqan gobolada Puntland.

Xaflada oo ka dhacday hoolka shirka ee jaamacada Bariga Africa faraceeda magaalada Garoowe ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka socotey haayadaha Save the Children, Unicefe , Eu iyo ururrada kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku aamaanay Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska wax ka ogaanshaha  iyo daryeelida ay had iyo jeer la garab taagan yihiin caruurta yar -yar iyo qaysaska tamartayar ee ku dhaqan Puntland, taas oo ay hawl-wadeenada Wasaaradu mar kasta ku hawlan yihiin daryeelida dadkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan caruur yar-yar oo ku dhaqan Puntland kuwaas oo aan haysan wax daryeela loona baahan yahay in loo istaagu sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyinka nololeed ee hortaagan, waxaana uu madaxweynuhu cadeeyey in siyaasada daryeelka dadban ee caruurta dayacan ay Dawladda Puntland ugu tala gashay iyadoo kaa shanaysa waaxda Qaramada midoobey u qaabilsan daryeelida Caruurta wax ka qabasha dhibaatooyinta haysta caruurta ku dhaqan degaanada Punland.

Madaxweynaha ayaa in taasi raaciyey in bulsho ay ku horumarto marka ay dhalaankeeda kobcisho kana dhisto xaga nolosha, aqoonta iyo kor u qaadida maskaxdooda, hadii aysan helina masuuroobayso ayuu yiri in bulshadaasi hesho mustaqbal wanaagsan oo ifaya, waxaana uu shegay madaxweynuhu inay waajib diineed iyo mid dartuurba inagu tahay inaan ilaalino oo daryeelo caruurteena.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa sheegay in masuuliyada iyo waajibka saaran dawladu tahay in ay ilmo walba oo Puntland udhashay kuna dhashay ay ogaato xaalada uu ku noolyahay iyo waxa uu u baahan yahay, siyaasadanina ay hagayso musuuliyada saaran hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee dawladda Puntland, waxaana uu madaxweynu sheegay in dawladdu dhowaan hirgelin doonto goobo cusub oo lagu xanaanayn doono caruurtasi kuwa haatan jirana ay ku waajihi doonan siyaasad cad.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa si rasmi ah u daahfuray siyaasada daryeelka dadban ee caruurta dayacan ee ku dhaqan degaanada kala duwan ee dawladda Puntland.

—DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.