Galmudug oo ka hortimid codsi uga yimid Ra’iisul wasaare Kheyre

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa dhowaan u diray  Baarlamaanka Galmudug codsi ahaa in muddo 45 cisho ah dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Gobolada Dhexe lamideeyn doono islamarkaasina hal maamul loo sameeyn doono.

Maamulka Galmudug ayaa arintaasi ka hor yimid oo sheegay in muddadaasi ay aad u dheertahay Galmudugna aanay madaxweyne la’aan noqon karin muddadaasi.

Baarlamaanka Galmudug ayaa shalay isku raacay in 10-ka Bisha soo socoto ee April ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa lagu sheegay in Codsigii Ra’isilwasaaraha aanu dhaqan galeeynin.

Hoos ka Aqristo Warqada Galmudug.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Wararka Puntland Post