Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo tababareysa 40 qof

Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland ayaa maanta tababar labo maalmood soconaya uga furtay magaalada Garowe qeybo ka tirsan laamaha booliska,danbi barista,maxkamadaha iyo qareenada.

Tirada dadka ka qeybgalaya tababarkaan oo gaareysa 40 qof oo la bari doono habraaca lagu baaro danbiyadda kufsiga iyo xadgudubyada loo geysto haweenka.

Wuxuuna daba joogaa tababarkani sheybaar loogu talagalay in lagu baaro nooc kasta oo ka mid ah danbiyadda kaas oo ay Dowlada Sweden ugu deeqday Wasaaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Puntland.

Daawo Sawiradda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.