Wareysi Abdiraxmaan Gablax daahfurka ururada siyaasada Puntland

Cabdiraxmaan Sh,Maxamed Gablax oo 2009-kii ka mid ahaa musharaxiintii isu soo taagay kursiga Madaxtooyadda Puntland, Islamarkaana ka mid ahaa raggii sida weyn xilligaas uga soo horjeeday nidaamkii Asxaabta badan oo ay waday Xukuumaddii uu hogaaminayay Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa wareysi uu maanta siiyay warbaahinta PUNTLAND POST wax looga weydiiyay aragtidiisa ku saabsan daahfurka maanta loogu sameeyay magaalada Garowe furashada ururo siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Gablax oo ka mid ahaa kazoo qeyb galayaashii xaflada maanta lagu daahfuray Ururada Siyaasada Puntland ayaa sheegay inay waqti ku filan haysato Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) Islaarkaana ay kaga dhabayn karto hirgalinta nidaamkan.

Siyaasi Gablax oo la weydiiyay su,aal ku saabsan inay ku haboon tahay xilligaan la daahfuray ururada Siyaasada iyo in kale ayaa ka gaabsaday habayaraatee inuu dhaliilo barnaamijkan, Wuxuuna sheegay inuu faa,iido u noqonayo shacabka reer Puntland haddii uu ka hirgalo dalka.

Daawo wareysi Abshir Dhiirane la yeeshay Cabdiraxmaan Gablax.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST