Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo Maanta ka Furmaya Nairobi

Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya ayaa  maanta Waxaa lagu Wadaa in uu ka Furmayo Shirka Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaan waxaa ka soo qeeybgalaya inta badan Madaxda Wadamada Urur Goboleedka IGAD iyaga oo qaarkood ku sugnaa Maalmahaan Nairobi.

Shirkaan ayaa inta badan waxaa looga hadlayaa arimaha abaaraha Soomaaliya iyo Taageerada isbadalka iyo Dowlada cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid ah Madaxda kamid ah IGAD ee Shirkaasi ka qeeybgalaya kaasi oo ku sugan iminka Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan Qodobo wax looga qabanayo Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo qaar kamid ah madaxda wadamada urur goboleedka IGAD.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post