Jawaari:-“Kheyre dib ha ugu laabto Golihiisa Wasiirada Ka hor inta uusan hor keenin Baarlamaanka”

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed Maxamed Cismaan jawaari ayaa qoraal uu u direy ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu kula taliyay in uu dib ugu laabto golihiisa wasiirada kahor inta aysan ka dhamaan xilliga la horgeynayo Baarlamaanka.

Qoraalka uu u direy guddoomiyaha baarlamaanka ra’iisal wasaare Kheyre oo nuqul ka mid ah soo gaaray Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa waxaa ku lifaaqan qoraal ay 104 xildhibaan u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka kuwaasoo ku dhaliilay ra’iial wasaare Kheyre inuusan raacin habka awood qeybsiga ee 4.5.