Garowe:-Xaflad lagu sagootiyay maamulkii horre ee dalladda PUNSAA

Waxaa maanta loogu qabtay magaalada Garowe xaflad lagu sagootinayo Gudoomiyihii horre dalladda Ururada aan dawliga ahayn ee PUNSAA Nuur Shire Cismaan iyo Kuxigeenkiisii Saynab Ismaaciil, Sidoo kalena lagu soo dhaweynayo Gudoomiyaha cusub ee  dalladda  Dr Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) iyo Kuxigeenkiisa Mustafe Cabdulaahi Cabdi.

Xafladaan oo si qurux badan uga qabsoontay xarunta dalxiiska HIDO RAAC oo ku taala duleedka galbeed ee magaalada Garowe waxaa kasoo qeyb galay xubnaha dalladda Puntland ee labada guddi, Islamarkaana ay goob joog u ahaayeen Gudoomiyaha cusub iyo kuxigeenka loo doortay dalladda PUNSAA, Gudoomiyihii horre iyo Kuxigeenkiisa.

Gudoomiyihii horre ee Dalladda PUNSAA Nuur Shire Cismaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada maalin ka hor ay ku guulaysteen hogaanka cusub ee dalladda Dr Faysal Qaran iyo Mustafe Cabdulaahi, wuxuuna balanqaaday inuu la shaqeyn doono.

Dr Faysal Axmed Warsame Gudoomiyaha cusub ee dalladda ururada aan dawliga ahayn ee PUNSAA oo isagu qabtay xafladaan ayaa u mahadceliyay dhamaan xubnaha dalladda iyo maamulkii horre, wuxuuna ka codsaday inay gacan ku siiyaan sidii loola shaqeyn lahaa hogaanka cusub ee dallada.

Xafladaan ayaa ahayd mid fasireysa qaabka ay ku dheehan tahay dimuqraadiyadu Islamarkaana sawir ka bixinaysa habka isaga raali ahaanshaha isbedelka, waana mid ay niyad sami iyo qanacsanaan buuxda ku muujiyeen dhamaan masuuliyiintii xilalka ku kala guulaystey ee dalladda ururada aan dowliga ahayn PUNSAA

Daawo Sawirada

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST