Xildhibaan Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu weeraray Muqdisho

Waxaa kooxo hubeysan habeenki xlaey ahaa ay qaraxyo ku weerareen Guri Muqdisho uu ka degen yahay xildhibaan Macalin Cali Aadan Cadoow.

Guriga qaraxyada lagu weeraray oo ku yaalla Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaan la ogeyn ilaa haatan qasaarha ka dhashay.

Qaraxyada oo labo ah ayaa la sheegay in lagu tuuray hoyga xildhibaanka ragi falkaas geystayna ay goobta ka baxsadeen.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaco falal qaraxyo iyo dilal ah oo loo geeysto Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho