Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay qarax khasaare geeystay.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa ouu  ka dhacay inta u dhaxaysa Maqaaxida Buundada  iyo Hotelka Naasa-hablood 2 ee muqdisho waxaana loo adeegsaday gaari yar oo nooca raaxada ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegayaa inay ahayd goob mashquul badan oo xilligaa ay ku sugnaayeen dadyoow kala duwan,waxaana sidoo kale ay ahayd goob Busteejo ah oo baarbuurta laga raro.

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma xaqeejin karo khasaaraha ka dhashay qaraxaasi hayeeshee Dad lagu kalsoonaan karo oo goobtaasi ku sugnaa xiliga Qaraxu uu dhacay ayaa PUNTLAND POST u sheegay in Dhimashadu ay gaareeyso 10 Ruux ugu yaraan.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho