Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Yeeshay Dhalinyarada Puntland Iyo Kuwo Ka Socdey Maamul goboleeyada DFS

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa fiidkii 23 March 2017 kulan kula yeeshay Qasrisriga Madaxtooyada Garoowe dhalinyara Puntland iyo dhalinkale oo ka socotey Maamul goboleedyada DFS.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehilinaayey Wasiirka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Dawladda Puntland , Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn ku soo dhoweyey Madaxtooyada Garoowe dhalinta ka socotey gobolada Puntland iyo maamul goboleeyada DFS, waxaana uu madaxweynuhu dhalinta ka daadejiyey muhiimadda ay leedahay isdhexgalka iyo wadashayqayta dhalinta Soomaaliyeed, isagoona tilmaamay in uu gogol xaadh u yahay kulankoodu soo celinta qaranimo Soomaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Guulweyn ku timaamay in ay Dawladda Puntland Martigeliso Shirweynaha Dhalinta Soomaaliyeed hormuudna unoqoto bilawga isdhexgalka dhalinyarada, waxaana uu mahad balaadhan u soo jeediyey Wasaarada Shaqada Iyo shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dawladda Puntland oo suura gelisay qabsoomida Shirkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku dheeraday waxqabadkii  iyo wax tarkii dawladii dhexe ee Soomaliya, isagoona sheegay inay ahayd mid dhaxal wanaagsan oo lagu dayan karo uga tagtay ummaada Soomaliyeed, isla mar ahaantaana waxaa uu dhalinta ku booriyey inay u istaagan sidii ay uga shaqayn lahayeen isusoo dhoweynta shacabka Soomaliyeed ee walaalaha ah ugana hawl geli lahaayeen horumarkooda.

Ugu danabayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey cid walba oo gacan ka gaysatay hirgelinta shirka dhalinyarada Soomaliyeed ee ka qabsoomay magaalada Garoowe, waxaana uu Illaahay uga baryey inuu u rumeeyo dhalinyarada hiigsigooda, hidisahooda, hamigooda iyo hanashada dib usoo celin qaranimo Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.