Hooyo 3 ilmood ku dhashay deegaanka Bursaalax ee Gobolka Mudug

Hooyo Soomaaliyeed ayaa saddex ilmood ku dhashay deegaanka Bursaalax oo ka tirsan Gobolka Mudug, sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST Aabaha caruurtaan Cabdirasaaq Shire Axmed oo hadda isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo kula jira caruurta iyo hooyadii dhashay.

Cabdirasaaq Shire Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka Bursaalax Islamarkaana ah Aabaha ay isku mar u dhasheen saddexda ilmood ayaa sheegay in labo ka mid ah caruurta dhalatay nooshahay, halka uu midna dhintay ka dib fooshii hooyada dhashay saddexda caruurta.

Waxa uu intaas ku darey Cabdirasaaq oo wareysi siiyay warbaahinta PUNTLAND POST inuu ku faraxsan yahay Mataanaha saddexda caruurta ee u dhashay, wallow uu sheegay in hooyada dhashay ay kasoo martey dhib badan, Islamarkaana uu soo dhaweynayo cid kasta oo ka gacan siinaysa la tacaalida xaalada caafimaad ee hooyada iyo caruurta ay dhashay oo hadda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Waa markii ugu horeysay deegaanada Puntland oo qof dumar ah ay isku mar dhasho saddex caruur ah, wallow maalmo ka hor dhacdo tan la mid ah hooyo kale oo Soomaaliyeed saddex caruur ah ku dhashay magaalada Muqdisho.

Dhagayso Wareysiga Aabaha 3 ilmood ugu dhalatay deegaan hoosyimaada Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.