London: Booliska oo sheegay in weerarkii Westminster uu xiriir la lahaa Daacish

Booliska dalka UK ayaa sheegay in weerarkii Xalay lagu qaaday buundada Wesminster iyo banaanka hore ee xarun baarlamaanka dalkaas oo ay ku dhinteen 5 ruux ay ku dhaawacmeen 40 kale ay u badantahay in  uu xiriir la lahaa kooxda Daacish.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda la dagaalanka Argagixisada dalkaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in ay garanayaan dharka uu qabay qofka weerarkaas geestay, balse ma uusan sheegin magaciisa, Laakiin qaar ka mid ah Warbaahinta UK ay qoray in ninkaasi uu kasoo jeedo Qaarada Aasiya ayna da’diisa tahay 40-sano jir.

Theresa May oo ah haweenayda Ra’iisul wasaaraha ka ah dalka UK oo marka weerarku dhacay ku sugnayd xarunta baarlamaanka ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid shaydaanimo ah oolagu qaaday Diqmuqraadiyada iyo Xoriyadda dalka.

Qofka weerarka geestay ayaa Toorey ku dilay Askari Boolis ahaa oo lagu magacaabi jiray Keith Palmer oo 48 jir ahaa.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST