Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madaxweynaha dowlada Federaal Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabnimadii maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga uu hogaaminayo oo ay ka mid ahayd Marwada Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta International ku soo dhaweeyay wasiirka Arimaha dibada Kenya Aamina Maxamed, Xildhibaan Aadan Barre Ducaale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu marti qaad ka helay dhigiisa dalka Kenya, wuxuuna sidoo kale ka qeyb galidoonaa shirka IGAD oo maal maha soo socda ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo looga hadli doono arimo ay ka mid yihiin Abaarta ka jirta Soomaaliya.

Waa safarkii Labaad oo uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka dibadiisa.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST