Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u diray Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynah dowlada Federaal Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay meel mariyaan golaha Wasiirada cusub ee uu Ra’iisul wasaare Kheyre shalay magacaabay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in golaha Wasiirada cusub ay yihiin kuwa ka soo bixi karo howlaha loo idmaday, isla markaana Xildhibaanada golaha Shacabka ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Wasiirada cusub, si looga wada shaqeeyo xoojinta Amniga iyo ka hortaga falalka argagixisadu ay kula beegsanayso Shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay meelkasta oo ay joogaan in ay u gaargaaraan walaalahooda Abaartu saameysay, isogoo Beesha Caalamkana ugu qaaabay in ay soo dadajiso kaalmada ay ugu talagaleen Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in argagixisadu ay dhibaato ku hayso Shacabka dowladuna ay xooga saari doonto sidii kooxahaas laaga cirib tiri lahaa dalka Soomaaliya.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST