Itoobiya oo Labo Mashruuc ka hirgalin doonta Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, ka dib safar 10 cisho qaatay oo uu ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Imaaradka carabta ayaa sheegay in ay ku soo guulaysteen Labo Mashruuc oo dowlada Itoobiya ka hirgelin doonto Puntland.

Labada Mashruuc ee Itoobiya ka hirgalin doonto Puntland ayaa Madaxweynuhu ku kala sheegay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo iyo Wado Laami ah oo isku xidhidoonta Garowe iyo degmada Eyl ee gobolka Nugaal, wuxuuna sheegay in ugu danbeyn bisha May ee soo socota ay bilaaban doonaan labadaas Mashruuc.

‘’Waxaan shacabka Puntland ugu bishaaraynayaa wada hadalkayagii aanu ku galnay dalka Itoobiya waxaa nooga soo baxay in dhowaan insha allah labilaabi doono dhismihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo laga hirgelin doono inta u dhexaysa Garoowe iyo Eyl  waxaanuna ku rajo waynahay in ugu danbayn bisha May ay bilaaban doonaan labadaasi Mashruucba’’ sidaas waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas iyo Amiir Suldaan

Bishii April ee sanadkii la soo dhaafay ee 2016-kii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Maal-qabeenka weyn ee ka soo jeeda Boqortooyada Sucuudiga Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud waxay kala saxiixdeen Mashaariic dhowr ah oo uu ka mid ahaa Dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, Deked laga dhisilahaa degmada Garacad ,Waddo Laami ah oo isku xirilahayd Garacad iyo Goldogob iyo Warshado Kaluun oo laga hirgalinlahaa deegaanada Xeebaha Puntland, laakiin mashaariicdaas oo dhan ma’aysan hirgali iyadoo aan lagaranayn sababaha ay ku hirgali waayeen.

Shacabka Puntland ayaa ka dhursugayaa Mashaariicdan Madaxweynuhu sheegay oo ah mashaariic aad muhiim ugu ah Puntland hadii ay hirgalaaniin.

Liban Yusuf.

PUNLAND POST