Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa maqribnimadii caawa abaarihii 05:55 daqiiqo waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay 5-ruux oo shacab ahaa oo sida la sheegay ka ag dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ee Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaranka sida goob-joogayaal ay u sheegeen warbaahinta.

Dadka dhintay ayaa waxaa u badnaa Haween iyo Caruur madaada goobta lagu gadayay qaad, sidoo kale waxaa ka ag dhawaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladdaa Federaalka Soomaliya oo ka howlgala Koontoroolka koowaad ee Hooyooyinka.

Gaariga Qarax ayaa la sheegay in uu ahaa kuwa raaxadda ah waxaana la sheegay in bartilmaameedka uu ahaa dhanka xarunta
Madaxtooyadda Soomaliya ee Villa Somalia waxa uuna ku qarxay koontoroolka koowaad ee Hooyooyinka.

Talisyadda amniga Nabad Sugida iyo Booliska Gobolka banaadir ayaa goobta gaaray waxaana la filayaa in ay saxaafadda la hadlaaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho