Puntland iyo khuburo Caalami ah oo iska kaashanaya Siyaasad Cusub

Shir looga hadlayey dardargelinta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, dib u casriyaynta qaab dhismeedka dawladda iyo dejinta siyaasado cusub oo lagu hagi doono dhammaan xarumaha hay’adaha kala duwan ee dawladda  ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay khuburo kasocotey bangiga adduunka kuwaas oo Puntland u yimi sidii ay dawladda talooyin uga siin lahaayeen dib u casriyeynta qaab dhismeedka hay’adaha kala duwan ee dawladda, sidoo kale shirka waxaa kasoo qayb galay inta badan agaasimayaasha wasaaradaha dawladda.

Siyaasadaha la doonayo in loo dejiyo dawladda isla markaana ay kala talinayaan khuburadaan ka socoto bangiga adduunka ayaa waxaa ka mid ah  Re-organization and Modernization, Competency Framework Development  iyo Career Development Framework  for Government Civil Service , siyaasadahaan ayaa waxaa lagu hagi doonaa dhammaan xarumaha dawladda Puntland.

Ujeedada ka dambaysa in siyaasadahaan la dejiyo si loogu hago dawladda ayaa qayb ka ah hannnaanka dardargelinta shaqada xafiisyada dawladda iyo wax ka beddelka ama casriyaynta qaab dhismeedka hay’adaha dawladda si loo adkeeyo maamulka iyo kala dambaynta ka jirta xarumaha dawladda isla markaana loo tayeeyo hannaanka shaqo ee guud ahaan xarumaha dawladda.

Ballanqaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ahaa markii uu xilka la wareegey in uu dib u habayn iyo tayayn ku samayn doono shaqaalaha dawladda si’ay xuquuqdooda u helaan isla markaana u gutaan waajibaadkooda.

—DHAMMAAD—