Hay,adda KULMIYE oo deeq siisay 3,690 qoys oo ku nool Gobolka Nugaal

Hay,ada Gargaarka ee Kulmiye ayaa 3690 qoys oo ku nool ilaa 30 tuulo oo ka tirsan gobolka Nugaal oo ay ku nool yihiin qoysas fara-badan oo ay saamaysay abaarta ku dhufatay dalka Soomaaliya ayaa u qeybisay deeq raashin ah oo mucaawino ah.

Munaasabad lagu daah-furay deeqdaan oo ka qabsoontay deegaanka Kala-beyr oo 60 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Garowe, waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan gollaha Deegaanka Garowe, Maamulka Kalabeyr iyo Qaar ka mid ah qoysaskii loo qeybinayay Mucaawimada.

Hay,adda KULMIYE ayaa qoys walba siisay Card lacag ku jirto oo ay ula tagayaan Bakhaar ama Goob ganacsi oo ugu bedelaysa nooc walba oo ka mid ah raashinka ay u baahan yihiin Qoysaskani.

Axmed Yaasiin Owcali oo ah Agaasimaha Hay,adda kulmiye ayaa ugu horeyn ka bixiyay sharaxaad habka casriga iyo deeqda ay ku bixinayaan kaararka, wuxuuna sheegay in mashruucani ay ka hirgalinayaan ilaa 30 tuulo oo ka mid ah Gobolka, Isagoona ugu baaqay qoysaska inay ku qaataan raashin nafaqo leh.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Gollaha Deegaanka Garowe oo goobjoog u ahaa munaasabada lagu daahfurayay deeqda ayaa uga mahadceliyay Hay,adda KULMIYE sida ay isaga xilsaartey soo caawinta iyo gacan qabashada walaalahooda dhibaatadu kazoo gaartey Abaarta ka jirta Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Tuulada Kala-beyr ayaa balanqaaday inuu si cadaalad ah u maamuli doono raashinkaan, wuxuuna tilmaamay inay kusoo beegantay deeqdu xilli loo baahnaa

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST