Al-Shabaab oo Oday Dhaqameed ku toogtay G/Sh/Hoose

Maxkamad ay leedahay Al-shaabab oo kutaal degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shalay galab xukun dil ah ku Fuliyay mid kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay qaar katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaliya.

Fagaare kuyaal Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa shaley gelinkii dambe lagu toogtay Cusmaan Diini Cali oo 82 sana jir ahaa islamarkaana kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee xildhibaanada kasoo xulay dhanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ’ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

“Cusmaan Diini Cali waxa uu kamid ahaa ragii soo xulay Xildhibaano ay kamid tahay haweenay magaceeda lagusoo gaabiyay Muno key oo kamid ah baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya islamarkaana uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu kamid ahaa odayaashii Maamulka Shariif Xasan Shiikh aadan ee Baydhabo kusoo xulay Xildhibaanada”, sidaa waxaa yiri qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay lagu hayay beegsi, waxaa bishii Februay aynu kasoo gudubnay la dilay 8-nabadoon.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho