S/guud Siciid Dheere oo xalay lagu soo dhaweeyay Garowe

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland Sareeye guud Siciid Maxamed Xirsi oo labadii 2 bilood ee lasoo dhaafay socdaal aan la shaacin ujeedadiisa ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maqribnimadii shalay lagu soo dhaweeyay duleedka Galbeed ee magaalada Garowe ka dib socdaal uu kaga soo kicitimay magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugnaa todobaadkii lasoo dhaafay.

Sareeye guud Siciid Dheere ayaa hawlo shaqo oo aan xog rasmiya laga hayn labadii bilood ee u dambeeyay u tagay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay soo dhaweynta shalay gabal gaabkii loogu sameeyay duleedka Garowe qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa furimaha ka dagaalama ee Puntland.

Soo dhaweyn ka dib S/guud Siciid dheere ayaa loo galbiyay xerada 54aad ee ciidanka daraawiishta Puntland, waxaana warar madax banaan sheegayaan inuu Jenenku ka qeyb yahay Saraakiil sar sare oo loo xushay inay ka qeyb qaataan dhismaha ciidan qaran oo uu leeyahay dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah saraakiisha 54aad oo si hoose ula hadlay PUNTLAND POST ayaa rajo ka muujiyay suurto galnimada inuu soo daahiro qorshe horey uga dhexeeyay maamul goboleedyada dalka, beesha caalamka iyo Dowlada Federalka  oo ka qeyb noqonaya gudo galka dhismaha lagu doonayo ciidan qaran oo hoostaga Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa shalay Garowe uga dhoofay Muqdisho saraakiil uu hogaaminayo Taliye kuxigeenka ciidanka daraawiishta General Deyr Xaaji Cabdi, oo wararku sheegayaan inuu u tagayo Muqdisho arrimo la xiriira guddiyadii heer maamul goboleed ee u xilsaarnaa sugida amniga doorashadii Dad-baneeyd ee lagu soo xulay Xildhibaanada Aqalka hoose .

Sarkaal ka gaabsaday magaciisa oo ka mid ah xubnaha ku wehlinaya General Deyr socdaalka uu ku tagayo Muqdisho ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST inuu ka dambeeyay safarkoodu ka dib caasumaad ay ka heleen xafiiska siyaasada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay UNSOM Guddiyaddii heer maamul goboleed ee sugayay Amniga doorashooyinkii ka qabsoomay Caasimadaha Dowlad Goboleedyada dalka.

Sawiro soo dhaweyntii S/guud Siciid Dheere.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST