Maamulka Hir-shabeelle oo ka hadlay Weerar ka dhacay magaalada Jowar

Maamulka Goboleedka Hir-shabeelle ayaa faah-faahin ka bixiyey weerar kooxo hubaysan ay Xalay ku qadeen guriga Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulkaas uu ka dagganyahay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka.

Wasiir ku Xigeenka Amniga Hir-shabeelle Cali Xuseen Maxamed oo la hadlay warbaahinta Magaalada muqdisho ayaa sheegay in tiro Hoobiyayaal ahaa Habeenkii xalay ahaa ay ku dhaceen Gudaha Magaalada islamarkaana laga soo tuuray dhanka Suuqa Xoolaha ee Magaaladaas.

Waxa uu sheegay in Hoobiyayaasha aysan geysan wax qasaaro islamarkaana Ciidamada amaanka magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle ay durbadiiba ay ku baxeyn kooxihii weerarkaas ka dambeeyay islarmarkaana ay dagaal kooban ay la galeen.

Ugu dmbeyntii Wasiir ku Xigeenka Amniga Hir-shabeelle Cali Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Hir-shabeelle ay mar walba diyaar u yihiin in ay ka hortagaan falalka amniga lidiga ku ah ay geysteen Al-shabaab.

Xasan Maxamed Samater(Cowke)

Puntlandpost Muqdisho